Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac Oo howlo shaqo ku joogga Dalka Niger ayaa Madaxweynaha dalkaasi kala hadlay sidii loo soo sii deyn lahaa dhallinyaro soomaaliyeed oo dalkaasi ku xeran mudo sanado ah.

Tirada dhalinyarada soomaaliyeed ee ku xeran dalka Niger ayaa gaaraya Shan dhallinyaro kuwaas oo mudo sanad ku dhaw ku xeran dalkaasi,

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum in lasoo daayo 5taasi  dhallinyarada ahSoomaaliyeed ah,

Madaxweyne Bazoum ayaa dhankiisa sheegay inuu u kuur-gali doono xaaladda dhallinyaradaas kadibna wax ka qaban doono sidii si  degdeg ah loogu soo sii deyn lahaa.

Gunnaanadkii Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha dalkaas marti gelinta shirka Warshadaynta iyo isu-dheelli tirka dhaqaalaha oo muhiimad gaar ah u leh dalalka Afrika.

Share.

Leave A Reply