Farideh Moradkhani waa gabar ay dhashay hogaamiyaha dalka iiraan Ayatollah Ali Khamenei walaashiisa.Waana gabar looga bartay inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda rayidka,

Muuqaal lagu baahiyay  internetka oo ay duubtay Farideh ayaa waxa ay ugu baaqday shucuubka caalamka inay cadaadis ku saaran dawladohooda inay, xiriirka u jaraan dalka Iran, taas oo looga jawaabayo habka uu dalkaasi kaga falcelinayo  mudaharaadada looga soo horjeedo xukuumadda ka dhisan dalkaas.

Gabadhan ayaa la xiray bishaan November 23-keedii iyadoona xerigeeda kadib baraha bulshada uu ku faafiyay muuqaalka ay duubtay wiil walaalkeeda ah oo kunool dalka faransiiska kaas oo horay kaga duubay muuqaalka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo xabsiga loo taxaabo Farideh Moradkhani waxaana marar kala duwan  loo xiray hawlaha u dhaqdhaaqa arrimaha bulshada ee ay ku lug leedahay.

Mudaharaadyada ka socda dalka Iran ayaa haatan lugaha la galay bishii saddexaad, waxeyna ciidamada dalka Iran ay u isticmaalayaan awood xad dhaaf ah si ay u xakameeyaan.

Share.

Leave A Reply