Warbaahinta ay maamusho TPLF ayaa baahisay in duqeymo diyaaradeed loo geystay deegaano ay maamulaan.

Waxeyna ku Eedeeyeen dowladda Eritariya in diyaaradaheeda dagaalku ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen maanta magaalo kamid ah gobolka Tigray oo lagu magacaabo Irob,

TPlF ayaa intaasi raacisay in duqeymaha waxyeelo kala duwan ay gaarsiiyeen goobo ay degganaayeen dad shacab ah, Xarumo Waxbarasho, Isbitaalo iyo goobo kale oo dhammaan ay degganaayeen dad rayid ah.

Dowladda Itoobiya ayaanan wali wax war ah kasoo saarin hadallada kasoo yeeraya TPLF, iyo eedaymaha ay TPLF usoo jeedinayso dowladda Eritariya.

Sidoo kale Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya   warka ay baahiyeen Warbaahinta TPLF ,

Share.

Leave A Reply