Ciidanka xoogga dalka soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa dagaal la’aan gudaha ugu galay deegaanka Ceelbaraf halkaas oo ay baneeyeen Kooxda Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada gudaha u galay Ceelbaraf Oo warbaahinta  la hadlay ayaa sheegay iney ku sii raad joogaan dagaal yahanada Alshabaab ee isaga baxay deegaanka.

Sidaan Oo kale Toddobaad ka hor ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa weerar ku qaaday  deegaanka Ceelbaraf xilligaas oo ay ku sugnaayeen Alshabaab,

Balse maanta ayey si toos ah ula wareegeen wallow aanan la hubin iney sii joogi doonaan maadaama  marar badan deegaano horay looga qabsaday  Alshabaab ay dib kaga soo baxeen ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka.

Share.

Leave A Reply