Cabdicasiis Cisman Maxamed oo ah guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xafiisyada hoos yimaada waaxda Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir,

Guddoomiyaha ayaa u kuurgalay howlaha shaqo iyo adeegyada loogu hayo Xafiisyada shacabka ku nool Gobolka Banaadir,

sidoo kale mudane Cabdicasiis Cisman Maxamed guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan isbarasho iyo is xog-wareysi la qaatay qaar ka mid ah Howlwadeenada Xafiisyada Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta,

Waxa uuna ka dhageystay howlwadeennada Xafiisyada warbixino la xariirta adeegyada iyo shaqooyinka kala gedisan ee ka socda xafiisyada,

Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa xilkaan la wareegay Maalinnimadii shalay Isagoona balan qaaday in uu si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doonno Bulshada Caasimadda wax badanna ka qaban doonno Arrimaha Bulshada Ee  Gobolka Banaadir ka taagan.

Share.

Leave A Reply