Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ku bilawday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Hoteel ku yaalla Aga-gaarka Godka Jilacow iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Hotelka uu weerarka ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Villa Rosa waana hotel inta badan mas’uuliyiinta dowladda ay degaan.

Warar hordhac ah oo warbaahinta RBN ay goobta ka hjeleyso ayaa sheegaya in laamaha amaanka ay hotelka ka soo badbaadiyeen Mas’uuliyiin badan oo uu kamid yahay wasiirka wasaaradda amniga soomaaliya iyo wasiirka kalluumeysiga,

Sidoo kale Wasiir u dowlaha wasaaradda Bey’ada iyo isbaddalka Cimilada ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray inuu ka soo badbaaday weerarka hoteelka ay Alshabaab ku soo qaadeen caawa.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmed Axmed Doodisho oo xiliga weerarka ku sugnaa goobta ayaa la sheegayaa inuu ku dhaawacmay inkastoo weli aaney jirin mas’uul dowladeed oo ka hadlay weerarka dhacay.

Share.

Leave A Reply