Tabbabar ay iska kaalmeysanayeen dowladda uganda iyo hey’addaha qaxootiga iyo kuwa caafimaadka ayaa loogu qabtay gudaha dalkaasi hogaamiyayaasha dadka qaxootiga ah oo ay soomaalida ku jirta,

Tabbabarkan ayaa ku saabsanaa sidii looga hortagi lahaa caabuqa sii baahaya ee Ebolla kaas oo ku sii fidaya gudaha dalkaasi uganda,

Mid kamid ah macallimiinta tabbabarka bixinayay oo ka tirsan hey’adda UNHCR ayaa sheegay muhiimadda tabbabarka ay u leedahay dadka qaxootiga isagoona tilmaamay inay ku baranayaan sidii ay isaga ilaalin lahaayeen cudurka Ebola loogana hortagi lahaa sii fiditaankiisa,

Sidoo kale qaar kamid ah hogaamiyayaasha qaxootiga Soomaalida ee Uganda ayaa ka warbixiyay tabbabarka iyo muhiimadda uu u leeyahay soomaalida qaxootiga ku ah dalkaasi, iyaga oo sheegay in dadka ay mas’uulka ka yihiin inay gaarsiin doonaan casharada tabbabarka ay ku qaateen,

Uganda waxaa ku sii fidaya Caabuqa Ebola weliba midka loo yaqaano suudaani kaas oo aan laheyn wax talaal ah,

Iskuullada dalka ayaa loo xeray fiditaanka Ebolla dartiis iyadoona dadkii ugu dambeeyay ee uu soo ritay cudurkaasi ay ahaayeen soddomeeyo arday ah kuwaas oo tobbanaan kamid ah ay u geeriyoodeen,

Soomaali badan ayaa kunool dalka Uganda kuwaas oo qaarkood u jooga howlo ganacsi halka kuwa kale oo badanna qaxooti ay ku yihiin dalkaasi,

Share.

Leave A Reply