Saulos Klaus Chilima oo ah Madaxweyne ku xigeenka waddanka Malawi ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu helay cadeymo muujinaya inuu ku kacay arimo la xariira Musuq-muusuq,

Xafiiska la-dagaallanka musuq-masuqa ee waddankaas Malawi ayaa soo gabagabeeyay baaritaano ay ku hayeen madaxweyne ku xigeenka kuwaas oo la xariira eedeymo loo soo jeediyay oo sheegaya inuu ku kacay arimo la xariira musuq.

Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa ku xiggeenkii ka xayuubiyay awoodiisa intii ay socoto baarintaannada la xiriira musuqmaasuqa.kadib Khudbad heer qaran ah oo uu jeediyay bishii Juun,

Balse wuxuu sheegay madaxweynuhu in aanu awood dastuuri ah u lahayn inuu shaqada ka joojiyo Chilima ama uu ka qaado xilka madaxweyne ku xigeenka.waxeyna wakhtigaas ku beegneyd xilli madaxweynaha – uu qaaday olole ka dhan ah musuqmaasuqa –

Sidoo kale Bishii Janaayo ee sanadkan 2022, madaweynaha Malawi Chakwera ayaa kala diray dhammaan golahiisa wasiirada, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq ka dhan ah saddex wasiir oo xilka hayay golahaasi wasiiradda.

Mar uu suxufiyiinta kula hadlayay Chilima madaxweyne ku xigeenka xabsiga loo taxaabay ee dalka Malawi ayaa yiri”

“Ma jirto wax faahfaahin ah oo aan ka bixinaayo. Waxaan maxkamadda u oggolaan doonaa in hannaanka uu socdo.

.

Share.

Leave A Reply