Baashe Faarax Cabdi waa eedeysane loo heysto inuu xalay saqdii dhexe dil ka geystay gudaha Magaalada Hargeysa,

Dilka ayaa ka dhacay gudaha hotel kuyaalla magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Maamulka Somaliland.

Ciidamada booliiska ee maamulka Somaliland ayaa ku guuleestay inay gacanta kusoo dhigaan ninka ku eedeysan dalka kaas oo magaciisa lagu sheegay Baashe Faarax Cabdi halka ruuxa uu dillayna lagu magacaabo Jimcaale Rashiid Xasan .

War kasoo baxay booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada howlgal ay sameeyeen dabadeed ay u suurto gashay inay gacanta kusoo dhigaan baashe,

Sidoo kale Taliska Booliiska ayaa tilmaamay in dilkan uu u adeegsaday toorey xalay abaaro 2:30 Waxeyna ku hanjabeen Taliska booliiska Somaliland in lasoo qaban doono lana ciqaabi doono cid kasta oo geesata dil , waxayna sheegeen ninkan gacan ku dhiiglaha ah ee xiran la hor geyn doono laamaha caddaalada

Share.

Leave A Reply