Kullan ku qotama isbarasho ayey maanta wada yeesheen guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo danjiraha cusub ee Dowladda Imaaraadka Carabta Amb. Axmad Jumca Alromayth,

Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta Axmed Alrumayth ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi u sheegay in Dowladda Imaaraatka ay ka go’antahay garab istaaga iyo kaalmada shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay adkeeyaan xiriirka wanaagsan ka dhaxeeya labada dowladood.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalka iyo garab istaagga Dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab istaagtay Soomaaliya,

Wuxuuna kula dardaarmay danjiraha ka shaqaynta iyo adkeynta xiriirkii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka.

Share.

Leave A Reply