Madaxweynaha Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala wareegay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya warqadihiisa aqoonsiga,

Danjiraha cusub ee midowga afrika Souef ayaana rajo wanaagsan ka muujiyay wada shaqeyn dhow oo dhex marto ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (ATMIS) iyo dowladda federaalka Soomaaliya (DFS) si loo soo celiyo amniga iyo xasiloonida dalka.

“Kulanku wuxuu ahaa mid miro dhal ah. Waxaan diiradda saarnay waajibaadka howlgalka iyo sida aan si dhow u wada shaqeyn karno. Waxaan ka wada hadalnay nooca taageerada aan Soomaaliya ku siin karno nabadda, amniga, iyo xasilloonida, iyo wadashaqeynta aan ka raadin karno maamullada Soomaaliya si aan u fulinno waajibaadkeena,” ayuu yiri danjire Souef.

Wuxuuna afka ku adkeeyay Danjire Souef in Midowga Afrika ay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si loo ballaariyo awoodda dowlad gobolleedyada iyo hay’adaha dowladnimada iyo soo celinta xasilloonida dalka oo dhan.

Share.

Leave A Reply