Kooxo hubeysan oo ka kooban ilaa 5 ruux ayaa la sheegayaa inay gabar Soomaaliyeed ka afduubteen Deegaanka Delft ee hoostaga magaalada Cape Town dalka Koonfur/afrika,

Gabadha ayaa laga afduubtay Xilli ay ku jirtay dukaan ganacsi oo deegaankaa uu ku lahaa Aabaheed balse dibadda uu kaga maqnaa,

Afhayeenka booliska gobolka western Cape Ndakhe Gwala oo la hadlay warbaahinta gudaha Ee Koonfur/afrika ayaa sheegay in kiiska afduubka ee gabadha Soomaalida ah ay ka war heleen maalinnimadii khamiista aheyd Ee dabayaaqadii Toddobaadkii hore ayna ku mashquulsan yihiin baaritaanka kooxihii ka dambeeyay iyo halka ay la aadeen.

Inkasto aan si rasmi ah loo shaacin magaca gabadha Soomaaliyeed ee la afduubtay hadana waxaa la xaqiijinayaa inay aheyd gabar 17jir ah Oo magalada Cape town ku sugneeyd sadax bilood oo kaliya.

Kooxaha afduubka ka geysta gudaha dalka Koonfur/afrika ayaa inta badan lacago madax furasho ah ka qaata ehellada dadka ay afduubtaan,

Waxaana Xilliyadii ugu dambeysay ay aheyd mid saameyn ku sii yeelaneysa dadka soomaalida Ee kunool koonfur-afrika falalka afduubka ahi,

Share.

Leave A Reply