Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya israsaaseyn maanta ka dhacday Gobolka Sool kaas oo dhexmartay Ciidamo ka tirsan Booliiska Somaliland iyo Kooxo hubeysan,

Gaashaanle Dhexe Cali Axmed Shire, Taliyaha Qaybta guud ee Booliska Gobolka Sool ayaa warbaahinta u sheegay in iyaga oo howlgal ku jira ay la kulmeen kooxo hubeysan Oo falal amni daro ah qorsheynayay islamarkaana ay dhexmartay israsaaseyn qaar kamid ahna gacanta ay ku soo dhigeen halka kuwa kalena ay ka baxsadeen.

Inkastoo taliyuhu aaney sheegin tirada ay gaarsiisan yihiin kooxda ay gacanta kusoo dhigeen, hadana waxa uu sheegay iney faah faahin guud ka soo bixin doonaan marka howlgalkan uu soo dhamaado, maadaama xubno baxsad ahaan wali lagu daba jiro.

Sidoo kale waxaan si cad ah loo ogeyn hadii uu jiro khasaare soo gaaray ciidamada booliiska Somaliland ama dad rayid ah .

Share.

Leave A Reply