Howlgal qorsheysan Oo ka dhacay deegaanka Ceel-dheere Ee hoostagga degmada Aadan-yabaal una dhaxeeya Sh,dhexe iyo Hiiraan ayey sheegatay dowladda soomaaliya inay ku dilleen xubno kamid ah Alshabaab.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala Oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in howlgalkaan Oo dhacay xalay saqdii dhexe inay fuliyeen diyaarado dagaal islamarkaana lagu dillay 100 Xubnood oo AS ah,

Sidoo kale maanta waxaa deegaanka Ceel-dheere gudaha u galay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya kadib markii As ay isaga baxeen,

Share.

Leave A Reply