Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta dhagax dhigay garoon diyaaradeed ay yeelan doonto degmada Cadale Ee gobolka sh dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa munaasabadda dhagax dhigga garoonka Cusub ee Cadale ku wehlinayay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen,

Garoonkaan diyaaradeedkaan oo dhismihiisu uu dhowaan bilaaban doono ayaa lagu wadaa in loo dhiso hab casri ah,

Garoon diyaaradeedkaan ayaa la filayaa dhismihiisa kadib inuu wax badan uu ku soo kordhiyo bilicda horumarka iyo isu socodka bulshada ee gobolka,

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in garoonkan uu muhiim u yahay bulshada deegaanka,Islamarkaana uu qeyb ka yahay Mashaariicda gobolka Shabeelaha Dhaxe laga fulinayo.

Share.

Leave A Reply