Qeyb kamid ah Kun tan Oo raashiin noocyadiisa kala duwan oo ay ugu deeqday dowladda Imaaraatka -Carabata abaaraha ka jira deegaanada Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa maanta laga soo dejiyay dekedda Magaalada Kismaayo,

Waxaana la soo gaarsiiyay dekedda Kismaayo Sadex boqol iyo toban tan oo kamid ah deeqda kunka Tan ah.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka Mudane Axmed Xasan Cumar iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa la wareegay deeqdan iyaga Oo kaga mahad celiyay taageerada shacabka iyo Dowlada imaaradka carabta ay la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Share.

Leave A Reply