Cabdi Xaashi Cabdullaahi guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ayaa maanta hoygiisa ku qaabilaymaanta qaar kamid ah guddoonnada baarlamaanka dowlad goboleedyada dalka Oo arimo shaqo u joogga Magaalada Muqdisho.

Guddoonnada Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa guddoomiye cabdi xaashi hoygiisa ku booqday iyaga oo kala hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkisa dastuuriga ah inuu u fududeeyo golayaasha waxyabaaha muhiimka u ah shaqooyinkooda ee uga xiran Dowladda Faderaalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa kula dardaarmay Guddoomiyayaasha inay dardar geliyaan waajibaadka iyo howlaha shaqo ee ay u hayaan shacabka ku nool Maamulada ay matalaan kuwaas oo kaga fadhiya dejinta Xeerar iyo sharciyo xoojinaya Dowladnimada.

Share.

Leave A Reply