Qoraal kooban oo ka soo baxay Cidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in howlgal ay ku soo qabteen rag burcad ah Oo hubeysnaa Kuwaas oo Mooto-bajaaj dhac ku geysanayay,

Howlgalkan ayaa ka dhacay Degmada Warta-Nabadda Gaar ahaan xaafadda Xamar-Jadiid Waaxda Barwaaqo sida Laamaha Booliisku ay sheegeyn.

HOOS KA AKHRISO QORAAL AY SOO SAAREEN BOOLISKA

Caawa 26/Nov/2022, abaare 10:00 fiidnimo, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafda Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo gesytay.

Mootadaan ayaa isla caawa fiidkii horay dhac uga geysatay Xaafada DAALO ee Degmada Howl-wadaag, kadib markii ay Bulshadu naga gacansiisay ayaa gacanta lagu soo dhigay.
Ugu danbeyn waxaa shacabka ku wargelinaynaa inay socdaan howlgalo lagula dagaalamayo Burcada hubaysan iyo Khawaarijta.

Share.

Leave A Reply