Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Nin la sheegay inuu ahaa Maamule dukaan kaas oo isla goobtiisa ganacsi ku laayay dad ka adeeganayay dukaankiisa,

Dhacdadaan ayaa ka dhacday gudaha dalka mareykanka gaar ahaan gobolka Virginia.
qoraal barta twitterka uu soo dhigay Maamulka magaalada Chesapeake ayaa waxay ku xaqiijiyeen dhacdadaan sababtay dhimashada oo ka dhacday dukaanka Walmart,

balse faah-faahin dheeri kama aaney bixin maamulka magaalada kaas oo ku aadan waxa ku sababay ninka inuu toogashada geysto.balse waxa ay cadeeyeen inuu marqura rasaas ooda kaga qaaday dad dukaanka ku sugnaa uuna goobta ku dillay 10ruux iyadoona ugu dambeyn uu isna istoogtay,

Louise Lucas oo ah Senatar ka tirsan gobolka Virginia kana hadleysay toogashada ayaa sheegtay inay aad kaga xun tahay waxa dhacay Waxayna hadalka sii raacisay “Ma nasan doono ilaa aan helno xal lagu soo afjarayo rabshadaha hubaysan ee dalkeena ku soo badanaya”.

Share.

Leave A Reply