Ciidamada Daraawiishta koonfur/galbeed ayaa toogtay xubno shabaab ka tirsanaa oo howlgal ay ku soo qabteen,
Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Mooda-moode dhaca inta u dhaxeyso Degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba Ee gobolka Bay,

Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Koonfur/galbeed ayaa sheegay in toogashada ragani ay timid kadib markii shalay kooxda alshabaab dagaal ay ku soo qaadeen saldhigga ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Deynuunaay iyaga oo doonayay inay xoog ku furtaan ragaasi,

Wuxuuna intaasi raaciyay in Xubnahaan shabaabka ee la toogtay ay kooxda u qaabilsanaayeen aruurinta lacagaha ay ugu yeeraan Zekawaatka.

Share.

Leave A Reply