Dhul gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 5.9-magnitude ayaa gilgilay gobol dhaca waqooyi galbeed dalka turkiga saaki aroortii

Dhulgariirkaan oo sababay khasaarooyin lexaadleh ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad 40ruux iyadoona laga yaabo in tirade khasaaraha ay sii kordhaaan,

Wasiirka arimaha gudaha ee dalka turkiga Suleyman Soylu ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa iyo iminka aaney la soo diiwaan gelin dad ku dhintay dhulgariirka ,

Warbaahinta Maxalliga ah ee dalka turkiga ayaa soo bandhigtay sawiro muujinaya dhismayaal burbur xooggan uu soo gaaray kuwaas oo dhulgariirka ku burburay,

Gobolka  Golkaya oo ah halka uu ka dhacay dhulgariirka ayaa 200km bari kaga beegan magaalada weyn ee Istanbul,

Share.

Leave A Reply