Dhawaan doorasho ka dhacday gudaha degmada dhuusamareeb ee gobolka galgaduud maamulka galmudug ayaa waxaa lagu doortay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka degmadaas ee ah Caasimadda dowlad gobolleedka Galmudug ee Dhusamareeb .

Munaasabad lagu caleemo saarayay mas;uuliyiintaasi ayaa ka dhacday gudaha degmada dhuusamareeb waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye qoor-qoor..

sidoo kale waxaa munaasabadda caleema saarka ka qeybgalay Madaxweyne ku Xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ee DFS, qaar ka mid ah xildhibaanada BFS, xubnaha Labada gole ee Dowladda Galmudug, Gud. gobolka Galgaduud, maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne qoor qoor ayaa ugu dambeyn munaasabadda hambalyo uga diray gudoonka cusub ee loo doortay, isagoona bogaadiyay doorka weyn ay ku leeyihiin wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug iyo  juhdiga badan ay ku bixisay dhismaha goleyaasha deegaanka iyo maamulka degmooyinka Galmudug oo ahmiyad weyn u leh Dowladda Galmudug.

Share.

Leave A Reply