Qeybaha bulshada iyo maamulka degmada Ceelguula ee gobolka mudug ayaa siwadajir ah u dhagax dhigay Aargo ay yeelan doonto degmadaasi taas oo laga hergalinayo bartamaha degmada,

Guddoomiyaha Dagmada Ceelguula Cali Baashi Macalin Aadan ayaa sheegay inay qeyb ka tahay dhismaha Aargadani horumarinta iyo sara u qaadista Bilicda Dagmada Ceelguula..

Waxaana lagu wadaa in dhismaha Aargadani ay si Mutaddawacnimo ah inay kaga qeybqaataan dhammaan qeybaha bulshadda oo ay ugu horee-yaan dhallinyarada ganacsatada iyo haweenka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Dagmada Ceelguula Cali Baashi Macalin Aadan, ayaa ugu baaqay qurba joogtada ka soo jeeda degmada isaga oo yiri’Waxaan idinka codsanayaa inaad haddii aad tihiin qurba joog-ta,dagmada Ceelguula, inaad sii laba laabtaan taakuleynta iyo ka qeyb qadashada horumarinta Degmada Ceelguula”.Dhismaha Aargadanina aad qeybweyn ka qaadataan,

Share.

Leave A Reply