C/casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa soo dhaweeyay baaqii toddobaadkaan ka soo baxay gudoomiyaha golaha Shacabka sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe kaas oo ahaa inuu qabanaayo shirweyne lagu xalinayo buuqa siyaasadeed ee Koofur Galbeed ka jira,

Qoraaal uu soo saaray madaxweyne Lafta-gareen ayuu ku sheegay inuu taageerayo baaqa gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo isagu kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan ee maamulkaasi.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa sidaan u qornaa Xafiiska madaxweynaha waxaa uu soo dhaweynayaa baaqii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku baaqay, wakhtiga shirka u furmaayo waan idinla soo wadaagi doona.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegay inuu go’aankan u qaatay sababo ku aadan sidii loogu midoobi lahaa dagaalka ka dhanka ah Shabaab ee ka socda deegaanada maamulka,

“Ayada oo la tixgelinaayo kacdoonka Shacabka, loolana dagaalamayo kooxda Al-Shabaab madaxweynuhu waxa uu go’aansaday in buuq siyaasadeed aaney waxba soo kordhineyn balse ay habsaamineyso howlgallada ka dhanka ah alshabaaab sidaa aawadeed intii uu howlgalkaa joogsan lahaa waxeynu qaadaneynaa sidii uu ku sii socon lahaa aniga oo tanaasul sameyneya ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweyne lafta-gareen,

Si kastaba, Aadan Madoobe guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka soomaaliya ayaa dhawaan iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muddo kororsi uu sameystay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Share.

Leave A Reply