Laamaha ammaanka Ee gobolka banaadir ayaa bilooyin kahor qaaday tallaabooyin looga hortagayay qatarta ciyaalka weerada ee dhibaatooyinka ku hayay qeybo badan oo kamid ah bulshadda gobolka banaadir,

Iyadoona kooxahani ciyaal weerada ay si aad ah ugu badnaayeen degmooyinka dharkeynley wadajir kaaraan yaaqshiid iyo qeybo kamid ah degmada hilwaa.

howlgallo culus oo laamaha amaanka ay ka sameeyeen degmooyinkaa ayna barbar socdaan wacyi-gellinta joogtada ah ee maamulka gobolka banaadir ayaa dhalisay in ay aad u yaraadaan ciyaalkii dhibaatada ku hayay bulshadda iyadona kuwa badan ay iska dhigeen mindiyihii ay ku hubeysnaayeen halka kuwa kalena jeylka ay iminkaba ku jiraan,

balse howlgallada laamaha amaanka oo yara hoos u dhacay ayaa sababtay sare u kac laga dareemayo soo nqoshada kooxaha ciyaal weerada degmooyinka qaar ee gobolka banaadir.

kooxo ciyaal weero ah ayaa xalay xaafada Nuur Tugumbe ee degmada Yaqshiid ku dilay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Shaafici Macalin Nuur iyaga oo tooreey kaga dhuftay wadnaha taas oo sababtay in durba halkaa uu ku geeriyoodo.

Ehellada wiilkan la dilay ayaa sheegay in uusan cidna wax dhibaato ah u geesan wiilkooda, waxayna tilmaameen in ciyaal weero soo weerareen ayna ku dhufteen toorey sidaasna ugu geeriyooday wiilkoodii..

Degmada yaaqshiid oo xalay falkaan ay ka geysteen ciyaal weerada marka laga soo tago sidoo kale kororka iyo dib u soo laabashada ciyaalkani waxaa laga dareemayaa qeybo kamid ah degmada kaaraan,goobjooge ku sugan degmadaas oo la hadlay Warbaahinta RBN balse codkiisa ineynu adeegsano inoo diiday sababo amni ayaa tilmaamay in ciyaal weeradu ay ku hubeysan yihiin tooreeyo, baangado iyo biro, waxa ayna dhibaatooyin isugu jira dil , dhac iyo jir dil u geestaan dadka shacabka ah.

Share.

Leave A Reply