Wasiirka difaaca keynya Aadan Barre Ducaale oo la hadlayay wargeyska Nation Africa, ayaa kawarbixiyay howlgalka ciidamada dalkiisa ay ku joogaan soomaaliya iyo goorta ay ka bixi doonaan soomaaliya,

Wuxuu yiri Aadan Barre Ducaale Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) wey sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa nabad iyo xasilooni la isku haleyn karo ay ku soo laabato soomaaliya,

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ciidamada Kenya ay gacan ka geysanayaan sidii loo tayayn lahaa ciidamada Soomaaliya loo tabbabari lahaa si amniga dalka ay ula wareegeen.

Ducaale ayaa ballan qaaday in dowladiisa ay ku garab istaagi doonto Madaxweyne Xasan iyo shacabka Soomaaliyeed sidii dalkooda ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen.

Dowladda keynya waxaa soomaaliya ka joogga in ka badan 4,000 oo askari kuwaas oo ka howlgalla deegaannada Jubbaland.

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa horey u sheegay in tirada ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya la dhimayo si ay qeyb uga noqdaan qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS.

Share.

Leave A Reply