Xilli uu shalay soo gaaray magaalada muqdisho wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohammed El-Amine Souef ayaa waxa uu durba booqasho ugu tagay Ciidamada howlgalka ATMIS ee saldhigga ku leh magaalada muqdisho

Amb. Mohammed El-Amine Souef ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada ATMIS ee taageeraya ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Amb. Mohammed El-Amine Souef Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale kullan la qaatay Saraakiisha ciidamada Uganda ee kusugan magalaada Muqdisho isagoona ugu baaqay inay la yimaadaan qorsho cusub oo la xiriira dardar gellinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Ciidamada Howlgalka Midowga afrika Ee ATMIS ayaan kaalin weyn ku laheyn howlgalka ka socda gobollada dalka ee looga soo horjeedo kooxda Alshabaab.

Share.

Leave A Reply