Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed isagoona Barayaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soo saaraan jiilal tayo leh oo horseed u noqda horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed ee curdunka ah.

Xasan sheikh maxamuud madaxweynaha soomaaliya oo qudhiisaba kamid ahaa macallimiinta soomaaliyeed ayaa ka hadlay xilligii uu ku biiray macallinnimada iyo xaaladihii uu ku soo shaqeeyay,
“Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara”.

Ugu dambeyn madaxweynaha soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, waxa uuna sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha macallimiinta soomaaliyeed ee dhexda u xertay waxbaridda dhallaanka soomaaliyeed,

Share.

Leave A Reply