War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa lagu sheegay in dagaalkii ka dhacay magaalada boosaaso bishii Desembar ee sanadkii 2021 ay sababeen dambiyo dagaal iyadoona golaha amaanku ay cadeeyeen in dagaalkii markaasi dhacay ay ku dhinteen dad gaaraya 19qofood halka 120 kalena dhaawacyo ay ka soo gaareen.

Dagaalkaas,ayaa yimid kadib markii  Madaxweynaha Puntland Saciid cabdullaahi deni uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Ciidamada PSF kadibna uu u ku gacansayray xilka qaadistaas Maxamuud Cismaan Diyaano.

Warbixinta,ay soo saartay olaha amaanka ee qaramada midoobe ayaa si faahfaahsan looga hadlay sidii dagaalkaasi uu u dhacay waxyaabihii sababay iyo go’aamadii khilaafka sii xoojiyay.

Share.

Leave A Reply