Ciidamada booliiska Puntland oo ku gudo jira howlgallada amiga lagu xaqiijinayo ee deegaanada Puntland ayaa xalay howlgallo ka sameeyay magaalada garoowe ee caasimadda maamulkaasi,

Howlgalkaan ayaa waxay ciidamada booliisku ku soo qabteen kooxo la sheegay inay ka ganacsadaan maandooriyaha oo qeyb ka ah falalka amni darada sababa.

War kasoo baxay Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay saddex ka mid ah burcadda,kuwaas oo labo ka mid ah dhaawacyo ay soo gaareen inta howlgalka lagu jiray  iyo hal mid oo nolosha lagu qabtay,

Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay hubkoodii iyo Gaari ay ku wateen khamri, dhanka kale ciidamada booliiska Puntland intii uu hawlgalku socday  waxaa kaga dhaawacmay hal askari iyadoona hal qof oo rayid ahna uu ku dhaawacmay.

Waxaana haatan lagu dabiibayaa qaar ka mid ah goobaha caafimaadka.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland ayaa balanqaaday inay sii laba jibaari doonaan howlgalkan ka dhanka ah kooxaha burcadda ah ee falalka amni darada ah ka wada magaalooyinka Puntland,

Share.

Leave A Reply