Dowladda Qadar oo ah dal muslim ah islamarkaana marti-gelineysa Xilli ciyaareedkaan koobka ugu faca weyn aduunka ee lagu tartamo waa koobka Aduunka eh ayaa shaacisay in lagu daah-furi doonno aayado qur’aanka kariimka kamid ah.

Wiil lagu magacaabo Qanim Al Miftaa ayey Dawladda Qadar u xulatay inuu akhriyo aayadaha Quraanka Kariimka ee lagu furi doono ciyaaraha Koobka Qaramada Adduunka.

Qanim oo ah Wiil ka mida dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ah Xaafidul Quraan leh cod macaan, waxaana sidoo kale la sheegay in habeenka xaflada furitaanka ciyaaraha la hakin doono salaada cishaha awgeed, iyadoo dib loo bilaabi doonno salaada ka dib.
Dhanka kale Dowlada Qatar ayaa shaacisay in daaciga wayn ee Dr. Zakir Naik ku casuuntay koobka kubada cagta ee adduunka oo habeen dambe ka furmaya magaalada Doha Ee Caasimadda dalkaasi.

Shiikha ayaa lagu wadaa inuu jeediyo muxaadarooyin diini ah inta lagu guda jiro Koobka Aduunka.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Qatar ayaa sheegtay iney Koobka Aduunka ku soo bandhigi doonaan qadiyada Falastiin oo ay ku tilmaantey qadiyad xaqa oo waligeed ahaan doonta mid damiirkooda ku jirta

Kumanaan taageerayaal ah ayaa magalada Doxa durba ku soo bandhigey calanka Falastiin kahor bilaabashada Koobka Aduunka.

Share.

Leave A Reply