Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo safar kiisa dhiiri-gelinta howlgallada ka dhanka ah alshabaab ka wada deegaanada lafdhabarka u ah howlgalladaa ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobolka galgaduud ee dowladd gobolleedka Galmudug,

Gellinkii dambe ee shalay waxa uu gaaray madaxweynaha soomaaliya magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo ka mid ah deeganada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah Alshabaab iyadoona deegaankaa lagu xasuusto dagaaladii taariikhda galay ee dadka deegaanka baxdo ay la galeen kooxda Alshabaab.

waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka iyadoona culimada Baxdo Dikri salaam madaxweynaha qudhiisu uu madaxa la ruxay ay ku soo dhaweeyeen.

Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa oo uu ujeediyay madaxweynaha soomaaliya ayaa waxaa hadaladii kamid ahaa.
“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.”

Dhanka kale, Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka dalka looga xoreynayo Alshabaab ayaa u sii gudbay magaalada Wisil ee gobolka Mudug.

Share.

Leave A Reply