Qoraal dheer oo lagu daabacay pagga Rasmiga ah ee Wasaaradda warfaafinta Ee Eretaria ayaa markii ugu horreysay looga hadlay ciidamada dowladdaasi ay u tabbabarto soomaaliya xariirka kala dhaxeeya dowladda soomaaliya iyo dalal la sheegay inay carqaladeynayaan xariirka soomaaliya iyo Eretaria.

qoraalka ayaa lagu bilaabay safaradda Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalkaasi ee tirada labada jeer ah iyadoona la sheegay in safaradaasi ay qeyb ka ahaayeen iskaashiga labada dowladood ee arimaha gaarka ah ee quseeya iyo in madaxweynaha soomaaliya uu soo booqanayay Ciidamada dalkiisa ee dalkaasi tabbabarka loogu sameynayo.

Eretaria ayaa si cad qoraalkeeda ugu tilmaamtay inay jiraan dalal kamid ah Reer galbeedka kuwaas oo carqaladeynaya xariirka labada dal ee deriska ah waa Soomaaliya iyo Eretari eh.
“Isku xirnaanta sii baaheysa ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhalisey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dalal reer galbeed ah. Waana munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni iyo yasid ,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay wasaaradda warfaafinta eretaria.

Dowladda Eretaria oo soo hadal qaaday Ciidamada kummanaanka Soomaalida ah ee dalkaasi tabbabarka u jooga ayaa tilmaamamtay in ciidamada Soomaaliya, loo qabtay iskaashiga labada dal ka dhaxeeya iyadoona rabitaanka iyo codsiga dowladda Soomaaliya ugu yimid ay u fuliyeen kana miro dhaliyeen yaboohooda ahaa in ciidamo qaranka soomaaliya difaaca inay u soo saaraan,

Eretaria ayaa ka hadashay garab istaaggii Soomaaliya ay u fidisay xilligii halganka Xoriyada ay ugu jirtay waxeyna tiri “ Wadashaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay wadamo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dheeraa ee xorriyadda. labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in dagaalka argagixisada Soomaaliya uu yahay xasilloonida, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,”

Ugu dambeyn dowladda Eritrea ayaa tilmaamtay in faragelinta dibadda ee Soomaaliya lagu sameeyay inay dhalisay natiijooyin xun oo keliya,balse taa bedelkeeda kaliya hannaanka gudaha lagu go’aamiyo inuu waxtar u yeelan karo Soomaaliya. Halkii dibedda laga hagaajin lahaa oo laga jihayn lahaa.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Eretarai ayaa ku soo aadaya xilli dshawaan madaxweynaha soomaaliya uu safar kaga yimid dalkaasi kaas oo ilaa hadda dowladda soomaaliya aaney si rasmi ah u shaacin waxa kaga soo hergalay soo celinta Ciidamada Soomaalida ee dalkaasi Tabbabarka ugu maqan kuwaas oo Madaxweynihii hore ee soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu cadeeyay markii uu xafiiska ku wareejinayay Madaxweyne Xasan sheikh maxamuud in tabbabarka loo soo dhameeyay diyaarna u yihiin inuu soo kaxeysto si ay doorweyn kaga qaataan howlgallada dalka socda.

Share.

Leave A Reply