Mas’uuliyiin uu horkacayo guddoomiyaha gobolka shabeelada dhexe Axmed Meyre Makaraan Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasada Gobolka Maxamed Sheek Xaandow, Gudoomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar Baareey, Duqa Magaalada Jowhar Maxamuud Xasan Bariise iyo kornel Maxamuud Maxamed Nuur Masdile ayaa gaaray deegaanka Gaaleef Ee shabeelaha dhexe iyagoona halkaas kula kulmay ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah,

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo la hadlay dadka degaanka Gaaleef ee sheegay inay doorkooda ka qaadan doonaan howlgallada ka socda dalka ee looga soo horjeedo alshabaab ayaa sheegay in Maamulkiisu uu Garab taagan yahay Ciidamada Deegaanka ee u taagan iney la dagaalamaan ururka Al-Shabaab.

Dadka deegaanka Gaaleef ee shaaciyay inay la dagaalamayaan alshabaab ayaa laga dheehanayaa sida ay ugu dhiiran yiohiin ka qeybqaadashada dagaalka socda kadib sawiro laga soo qaaday oo baraha bulshada lagu faafiyay,

Waxa ay ku hubeysnaayeen hubka noocyadiisa kala duwan waxaeyna sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanada alshabaab ay ka heystaan gobolka intiisa kale.

Inta badan gobollada hiiraan sh/dhexe iyo galgaduud waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeya dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidanka xoogg dalka iyo dagaalyahanada alshabaab iyadoona warbaahinta dhinacyadaasi ay isku mariyaan guulo midwalba uu dagaalka ka sheeganayo,

Share.

Leave A Reply