Shir dib u heshiisiineed oo maalmahaanba uga socday degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa maanta heshiis hordhac ah lagu kala dhex-dhigay labadii maleeshiyo Beeleed ee ku dagaalamay degaannada hoostaga degmada Cadalle.

Shirarka oo ay goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaanka labada Beeleed, Imaamka iyo Ugaaska Beesha Mudulood iyo mas’uuliyiin ka kala socday dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ugu dambeyn xabad joojin lagu dhexdhigay maleeshiyaadka..

Guddoomiyaha degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in dhibaato farabadan ay ka dhacday goobihii lagu dagaalamay, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis rasmi ah laga gaaro colaada soo nqonoqotay ee deegaanka ka dhaceysay.

Wasiirka dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cabdullaahi Cadde oo Warbaahinta u akhriyay qodobada heshiiska hordhaca ah oo ay wada gaaren labada Beelood ayaa ku kala sheegay qodobadda ay ku heshiiyeen. kuwaas oo kala ah..

1: Inay xabad-joojn rasmi ah ku dhawaaqaan Odayaasha dhaqanka labada Beelood ee dagaalamay.

2: In maleeshiyaadkii labada dhinac ee dagaalamay si rasmi ah loo kala qaado.

3: In Odayaasha dhaqanka labada beelood ay ku dhawaaqaan inay guryahooda dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay dagaaladii dhacay.

Dagaalladii ka dhacay degaannada hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sidoo kale la gubay guryo ay deganaayeen dad rayid ah.

Share.

Leave A Reply