Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si rasmi ah xarigga kaga jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay ku bixiyeen dhismaha xarumaha danta guud isagoona tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta Alshabaab ay ka tarjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.” ayuu yiri madaxweynaha soomaaliya.

Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qayb galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug.

…………………………………………………………………………………………………………………….
2,
Shir dib u heshiisiineed oo maalmahaanba uga socday degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa maanta heshiis hordhac ah lagu kala dhex-dhigay labadii maleeshiyo Beeleed ee ku dagaalamay degaannada hoostaga degmada Cadalle.

Shirarka oo ay goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaanka labada Beeleed, Imaamka iyo Ugaaska Beesha Mudulood iyo mas’uuliyiin ka kala socday dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ugu dambeyn xabad joojin lagu dhexdhigay maleeshiyaadka..

Guddoomiyaha degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in dhibaato farabadan ay ka dhacday goobihii lagu dagaalamay, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiis rasmi ah laga gaaro colaada soo nqonoqotay ee deegaanka ka dhaceysay.

Wasiirka dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cabdullaahi Cadde oo Warbaahinta u akhriyay qodobada heshiiska hordhaca ah oo ay wada gaaren labada Beelood ayaa ku kala sheegay qodobadda ay ku heshiiyeen. kuwaas oo kala ah..

1: Inay xabad-joojn rasmi ah ku dhawaaqaan Odayaasha dhaqanka labada Beelood ee dagaalamay.

2: In maleeshiyaadkii labada dhinac ee dagaalamay si rasmi ah loo kala qaado.

3: In Odayaasha dhaqanka labada beelood ay ku dhawaaqaan inay guryahooda dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay dagaaladii dhacay.

Dagaalladii ka dhacay degaannada hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo sidoo kale la gubay guryo ay deganaayeen dad rayid ah.

Share.

Leave A Reply