Mohammed El-Amine Souef oo ah wakiilka midowga afrika sidoo kalena ah madaxa howlgalka KMG ah ATMIS, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uu ula wareego howlihiisa shaqo.

Bayaan ka soo baxay howlgalka midowga afrika Ee ATMIS ayaana lagu xaqiijiyay imaatinka wakiilka midowg afrika Ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa Danjire Mohammed El-Amine Souef oo u dhashay waddanka Comoros u magacaabay xilkan bishii September,

Waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay Fiona Lortan oo ah ku xigeenka Ergayga Gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidmada midowga Afrika ee ATMIS.

Wixii ka horreeyay magacaabistiisa, wuxuu Ambassador Souef ahaa Madaxa Xafiiska Gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA).

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Comoros, Danjire Souef ayaa sidoo kale soo noqday Madaxa Xafiiska Gobolka ee Howlgalka Isku-dhafka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID).

Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaana bedelaya wakiikii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Kaas Oo uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka eryay bishii April, isaga oo ku eedeeyay ‘inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa,

Share.

Leave A Reply