Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Mudane Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda

Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga

https://www.google.com/afs/ads?psid=5134551505&channel=AutoRsVariant&fexp=44766999%2C21404%2C17300002&client=pub-9364084479560306&r=m&sct=ID%3Dddaaf2f03609774f%3AT%3D1668002458%3AS%3DALNI_MZ36txbpsTfue1mcWq0IIuiyG13xA&sc_status=6&hl=en&type=3&rs_tt=c&oe=UTF-8&ie=UTF-8&format=r5&nocache=9521668966914369&num=0&output=afd_ads&domain_name=www.jowhar.com&v=3&bsl=10&pac=2&u_his=3&u_tz=180&dt=1668966914371&u_w=1920&u_h=1080&biw=1903&bih=912&psw=1903&psh=3721&frm=0&cl=488417025&uio=-&cont=autors-container-0&jsid=csa&jsv=488417025&rurl=https%3A%2F%2Fwww.jowhar.com%2Fnews%2Fmadaxweyne-xasan-oo-xilalkii-ka-qaaday-gudoomiye-kuxigeenada-gobolka-banaadir-kuwo-cusubna-magacaabay.html&referer=https%3A%2F%2Fwww.jowhar.com%2F&adbw=master-1%3A791 Mudane C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada

Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud.

Mudane Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud.

Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka Nofeembar, 2022.

Share.

Leave A Reply