Waxaa caawa si rasmi ah kaga furmay waddanka Qatar tartanka ciyaaraha Kubadda Cagta ee Koobka Adduunka kaas oo markii  ugu horaysay lagu qabanayo Dal Muslim ah, Carab ah oo bariga dhexe ku yaala.

Wufuud heersare ah iyo taageerayaal ka kala tagay daafaha dunida ayaa gaaray dalkaas ku yaal Khaliijka Carabta, halkaas oo uu tartankaasi ka socon doono muddo bil ah.

32 (laba iyo 30 kooxood) ayaa ka qeyb qaadanaya tartankan, kaas oo xafladda lagu furayo ay bilaabatay 5:40 daqiiqadood waqtiga Bariga Afrika.

Heesaaga Jungkook ee u dhashay Kuuriyada Koonfureed, iyo fannaanka reer Qatar ee Fahad Al-qubaysi ay kamid yihiin hoballada lagu casuumay inay ka heesaan xafladda furitaanka koobka aduunka..

about:blank Ciyaarta ugu horreysa ee tartankan ayaa bilaabatay doonta 7:00 fiidnimo waqtiga Bariga Afrika waxayna dhexmareysaa xulalka Qatar iyo Ecuador.

Mas’uuliyiinta ku sugan Magaalada DOXA waxaa kamid ah Madaxeynaha dalka Masar Cabdifataax Siisi iyo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Ibnu Salmaan, kuwaas oo ka ka qayb galay furitaanka Cayaaraha koobka Adduunka ee ka dhacaya dalka Qadar.

Share.

Leave A Reply