Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2aad Ee Golaha Wakiillada ayaa maanta shir guddoomiyay fadhiga 13-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Puntland oo ka qabsoomay Magalada Garoowe.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo labadiisa ku xigeen ee kala ah Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa siwadajir ah maanta shirka u guddoomiyey,

Ajandaha fadhigaa ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda uu ku shaqeyn doono Dowlad Gobolleedka Puntland sannadka 2023 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay.

Iyadoona Miisaaniyada Sannadka 2023 ee Maamulka Puntland ay dhan tahay $376,699,825, ( Saddex boqol toddobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar) kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore 2021,

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland , Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda Sannadka 2023, taas oo bilaabaneysa dhaqan-galkeeda January 1, 2023 kuna eg December 31, 2023 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Puntland.

Wasiirka ayaa ku sheegay in ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan uu noqonayo $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ku xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imaanaya dhammaan gobollada Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Sabtida, November 26, 2022.Ee toddobaadka soo socda.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee dhaqaalaha laga filayo Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040

Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ka ahaayeen 42 Xildhibaan ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 41 Xildhibaan, Diidmo 1, xildhibaan ka aamusayna ma jirin, sidaas ayeyna ansax ku noqotay codsigii Wasaaradda maaliyadda ee puntland.

Share.

Leave A Reply