Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Yuusuf Xuseen Cabdi waxay siyaabooyin kala duwan dilal bareer ah uga geysteen d gudaha magaalada Kismaayo balse maanta ayaa iyagana la soo taagay tiirka cadaaladda si loogu fuliyo qisaasta dadkii horay ay u dileen.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay labadaasi Eedeysane oo horay dilal kala duwan uga gaystay magaalada Kismaayo Ee Xarunta kumeel gaarka dowladd gobolleedka Jubbaland.

Raggaan Xukunka toogashada lagu fuliyay ayaa kamid ahaa Ciidamada Jubbaland kuwaas siyaabooyin kala duwan dad ugu dilay gudaha Magaalada Kismaayo.

Wayrax Khaliif Yuusuf ayaa 25-kii November 2020-kii dil u gaysatay Xaliimo Cali Roobow, Sidoo kale Yuusuf Xuseen Cabdi ayaa isna dilay Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Suuli 17-Nov-2021.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo warbaahinta kula hadlay goobta qisaasta looga fulinayay Eedeysanayaashaan ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ay xukunka dilka toogashada ah raggani ku xukuntay 29-June-2022- maantana lagu fuliyay.

Dabayaaqadii Toddobaadkii hore sidaan oo kale xukun Qisaas ah ayaa loogu fuliyay gudaha Magaalada Kismaayo labo askari oo horay dilal kala duwan uga gaystay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad gobolleedka Jubbaland.

Share.

Leave A Reply