Xilli hakad uu ku yimid maalmihii ugu dambeeyay dagaalkii ka dhanka ahaa Kooxda Alshabaab Ee ka socday qeybo kamid ah gobollada dalka ayaa maanta waxaa safar lagu dhiiri gelinayo howlgalladaasi ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warbixino iyo macluumaadka dagaalka ka soo dhageysan doonno Talisyada iyo Saraakiisha hogaamineysa howlgalladaa.

Isagoona dhankiisa la filayo inuu ku bogaadiyo Ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka sii xoojinta dagaalka iyo isku xernaanta dhinacyadooda kala amar qaadashada xilliyada howlgallada ay socdaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud Sidoo kale waxa uu u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug gaar ahaan deegaanada laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Wafdi Hordhac u ah Safarka Madaxweynaha ayaa kol horeba ka kala degay magaalooyinka Dhuusamareeb, Galkacyo iyo Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Share.

Leave A Reply