Xasan Bin Xamsa Hashim Safiirka dalka Qadar Ee Soomaaliya ayaa caawa Casuumaad ka helay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa cabdi barre.

Xukuumadda Soomaaliya Ee uu Majaraha u hayo Mudane Xamsa cabdi barre ayaa Safiirka kaga mahad celisay hawshii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa Danjiraha dalka Qadar u fadhiya magaalada Muqdisho,

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Carabka ku adkeeyay in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay inay sii xoojineyso iskaashiga labada waddan u dhaxeeya.

Dhankiisa Safiirkii dalka Qadar Ee Soomaaliya u fadhiyay balse haatan la badalay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay marti soorka iyo maamuuska ay u sameysay xukuumadda Soomaaliya isagoona tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in dalka Soomaaliya uu mar ka noqday Safiir dalkiisa kaga Wakiil ah.

Share.

Leave A Reply