Mustafe Muxumed Cumar ayaa si kulul uga hadlay geeridii shalay ku timid Xildhibaanad Juweeriya Oo ku dhimatay rasaas Uu shalay ku furay askari ka tirsan ilaaladda garoonka diyaaradaha magaalada jigjiga garoonka diyaaradaha Ee magaaladaasi.

Masaxweynaha ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu hayo askarigii dilka gaystay isla markaana la marin doono ciqaabta uu mutaysto.

Mustafa Cagjar ayaa Guud ahaan shacbiga dowlad deegaanka kaga tacsiyeeyey geerida Xildhibaanadda.Wuxuuna sheegay in la sameeyey guddi qabanqaabiya aaska marxuumadda.

Xisbigga talada haya Ee Prosperity Party ayna ka tirsaneyd Xildhibaanadda ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaanada,

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay rasaasta uu askariga ku furay garoonka diyaaradaha Ee MAgaalada Jigjiga waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Gaaruf Oo ka tirsanaa baarlamaanka Ismaamulka iyo labo Ruux Oo kale

Share.

Leave A Reply