Safaaradda Mareykanka Oo Ka digtay suurtagalnimada Weeraro Ka Dhaca Koonfur afrika.

Safaaradda Mareykanka ayaa sare u qaaday digniinta suurtagalnimada weerar argagixisanimo oo ka dhaca magalada Sandton ee hoostagta Johannesburg dhammaadka usbuucan.

Digniin dhanka ammaanka ah ayaa loo jeediyay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Koonfur Afrika, waxaana lagu yiri, “argagixisadu waxaa laga yaabaa inay qorsheynayaan weerar ay ku bartilmaameedsanayaan isu imaatinka dadweymaha ee meel aan la cayimin oo ka tirsan Sandton city.

“Ma jirto xog dheeri ah oo ku saabsan waqtiga, habka, ama bartilmaameedka weerarka,” ayaa lagu yiri digniinta ay soo saartay safaarada mareeykanka ee ku taala koonfur afrika

Share.

Leave A Reply