Sida wararka aynu ku heleyno waxaa dalka koonfur/Afrika dil dhaawac iyo dhac loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo halkaasi shaqo u joogay.

Allah ha u naxariisto Maxamud cilmi ayaa u Geeriyooday kadib markii rasaas ay ku fureen koox burcad ah xilli uu joogay dukaan uu ka shaqeeynayay Oo kutiilay deegaanka etwetwa ee gobolka Gauteng.

Sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray Muwaadin kale Oo Soomaaliyeed Kaas Oo magaciisa lagu sheegay Abdi barre Mohamed .

Ciidamada booliska koonfur/afrika ayaa gaaray dukaanka la weeraray iyagoona baaraya burcadii ka dambeeysay toogashada iyo dhaca dukaanka.

Waxaa mid caadiya ka noqotay tuulooyinka iyo deeganada Wadankani koonfur_ afrika weerarada loogu geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee kunool.

Kuwaas Oo inta badan ay ka dambeeyaan kooxo abaabulan Oo Gangs ah kuwaas oo bartilmaameedsada dukaamaha ajaanibta ee furan xiliyada habeenkii.

Share.

Leave A Reply