Tan iyo maalintii Jimcihii dalka Uganda waxaa lagu arkay kiisas horleh oo la xariira Xanuunka Ebola.

Illaa 11 qof oo cusub oo ku sugan caasimadda Kampala ayaa la sheegayaa in laga helay xanuunka Ebola, arrintaas oo sii kordhisay walaaca laga qabo faafitaanka xanuunkan.

Maamulka caafimaadka ee dalka Uganda ayaa xaqiijiyay illaa 75 xaaladood oo xanuunka Ebola ah, tan iyo 20-kii bishii Sebtembar, waxaana geeriyootay illaa 28 qof oo ka mida dadka uu xanuunku Soo ritay.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) laanta Afrika ayaa toddobaadkii hore sheegay in cudurka Ebola ee ka dillaacay Uganda “inuu si degdeg ah u faafayo,” isagoo ku sifeeyay xaalad adag oo soo food saartay shaqaalaha caafimaadka.

Tirada rasmiga ah ee la diiwaan geliyey kuma jiraan, dadka beeraleyda ah oo loo malaynayo in xanuunku ku dhacay ka hor intii aan la xaqiijin, kuwaas oo u dhintay xannuunka Ebolla.

Share.

Leave A Reply