Basma Caamir Axmed Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xiirey Axmed Rooble ayaa deeq gaarsiiyay Barakacayaal ku sugnaa Kaam ku yaala Deegaanka Garasbaaley,

Guddoomiyaha Deegaanka Garasbaaley iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa mid mid u dul tagay qoysaska barakacayaasha ahaa kuwaa oo caawa deeqda la gaarsiiyay.

Basma Caamir Axmed (Jakeeti) Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in iyagoo fulinaya Awaamiirta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ee caawa dadkaan soo gaarsiiyeen Deeqdaan isku tashiga ah,

Waxeyna ugu baaqday Ganacsatada iyo Inta eebe wax siiyay inay gacan ka geystaan sidii loo gargaari lahaa Bulshada kasoo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha dalka ka jira ee soo maciin biday Gobolka Banaadir.

Share.

Leave A Reply