Kullan leysugu keeni lahaa dowladda itoobiya iyo kooxda Tplf ayaa maanta baaqday balse waxaa lagu wadaa inuu berrito uu qabsoomo.

Kullankan leysugu keeni doonno labada dhinac ee isku haya itoobiya ayaa waxaa garwadeyn ka ah ergeyga gaarka ah ee Midawga Afrika Olusegun Obasanjo oo ay wehelinayaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka iyo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonnaa sidii loo soo afjari lahaa colaadda gobolka tigrey iyo Sidii hishiis loo dhex dhigi lahaa dowladda Itoobiya iyo Tplf.

Dowladda Itoobiya Iyo Tplf ayaa dagaalo xooggan waxa uu ku dhexmarayaa gobollo badan oo dalkaasi iyadoona laga deyrinayo xaaladda bini’adamnimo ee ka jirta goobaha lagu dagaalamo.

Share.

Leave A Reply