Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) iyo Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalkaas, Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa ugu horreyn kaga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal, garab istaagga iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda soomaaliyeed Isagoona soo bandhigay guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo AS..

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda in labada dal ay si dhow isaga kaashadaan dagaalka Socda. si nabad, horumar iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan shucuubta soomaaliyeed iyo guud ahaan tan gobolka.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay si buuxda u garab taaganyihiin halganka shacabka iyo ciidamada Xoogga dalka Soonaaliyeed ay dalka kaga sifeynayaan Al-shabaab, isaga oo hoosta ka xarriiqay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka,

Share.

Leave A Reply